Ayadoo magaalada Muqdisho ay ku suganyihiin fanaaniinta iyo abwaanka kooxda Qaylo Dhaan iyo fanaaniin kale oo sanadihii lasoo dhaafay ku noolaa qurbaha ayaa fanaaniinta kooxda Qaylo Dhaan waxay suugaan wadani ah ugusoo bandhigeen dadka deegaanka deegaanka xeebta ah ee Jasiira.
Munaasabad uusoo qaban qaabiyey maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo fanaaniintaasi lagu casuumay islamarkaana ay ka qeybgaleen gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood,saraakiisha Ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayey kooxda Qaylo Dhaan fanaaniinteedu waxey dadweynaha usoo bandhigeen suugaan wadani ah oo dadka ay ku dareensiinayaan qiimaha ay leedanahay wadaniyadda.
Gudoomiyaha maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Mudane Axmed Xasan Cadoow(Axmed Daaci) oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in ammaanka Muqdisho isbedelka ku yimid ay sabab u tahay dadkii dalka ka maqnaa sanado badan iney dib usoo laabtaan waxaana uu fanaaniinta kooxda Qaylo Dhaan ku ammaanay sida ay ugu dhiiradeen iney dalkooda yimaadaan dadkoodana wacyi geliyaan.
Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa si aad ah u kordhayey fanaaniinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee bulshada oo iyagu sanadihii lasoo dhaafay qurbaha ku noolaa iney dalka kusoo laabtaan waxaana wixii ka dambeeyey intii magaalada Muqdisho ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka xoreeyeen Maleeshiyada Al-Qaeda soo hagaagayey ammaanka Caasimadda.
